Tuesday, March 4, 2014

Degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ayaa waxaa la keenay Xayawaanka Haramcadka, markii ay orod ku soo qabteen afar nin oo Soomaali ah.

Haramcadka, ayaa waxaa lagu qabtay Deegaanka Tarbaj , oo ka tirsan Degmada Wajeer, ka gadaal markii uu ari badan ka cunay mid kamid ah dadka Deegaanka, oo lagu magacaabo Nuur Cismaan Cali.

Nuur, ayaa sheegay in soo qabashada Haramcadkaan ay gacan ku siiyeen ilaa seddex nin, isla-markaana ay u suura gashay in ay keenaan Degmada Wajeer.

Haramcadka, waxaa lala keenay Degmada Wajeer neef ari ah, oo la sheegay in uu dilay.




Mar uu ka sheekeenaayay qaabka ay u soo qabteen Xawayaanka dunida ugu orodka badan, ayuu sheegay in uu u kaadiyay ilaa iyo inta laga gaaraayo xilliga ay cad cadeeda ugu kulushahay. 

"Waan u sugay intay qorraxdu ka kululaatay, markaas ayaan billaabay inaan dhallinyaro raadsado si aan u soo qabto.” Sidaasi waxaa yiri Nuur Cismaan, oo wareysi siiyay laanta afka Somaliga ee BBC-da.

0 comments:

Post a Comment