Wednesday, March 5, 2014

Cajiib: Qoomiyad Wejiga iyo Jidhkooda ku Qurxiya Nuurad si ay u Helaan Lammaane

Filed under: Maqaalo,News | 
(crb)
Hoggaamiyayaasha qabiilkan wejigooda nuuradan kuma qurxiyaan, gaar ahaan ragga dhallinyarada ah ujeeddooyinka kale ee ay u marsadaan nuuradan waxa ka mid ah in marka khilaaf qabiil jiro ay marsadaan si looga cabsado,” ayuu yidhi ardaygan oo wargeyska Daily Mail u waramay.
Qabiilka Karo loo yaqaan ee ku nool dalka Itoobiya, ayaa wejigooda iyo jidhkooda kaleba ku qurxiya nuurad si ay u dareemaan kalsooni, una soo jiitaan dhaqan ahaan lammaanihii nolosha la qaybsan lahaa.
Sidoo kale, qabiilkan waxay wejiga u marsadaan nuurada si ay uga cabsiiyaan qabilooyinka kale ee colaadu ka dhaxayso.
Dadkan oo inta badan marsada nuuradan cad iyo rinji cas haweenkoodu waxay wejiga ku samaystaan nashqad wareeg ah si ay ugu eekadaan qaar aad u qurux badan, meelaha dadku isugu yimadaana uga dhex muuqdaan.
Haweenka oo kaliya maaha dadka farsamadan isticmaala, waxa ragguna wejigooda
iyo jidhkoodaba ku qurxiyaan nuuradan si ay u soo jiitaan haweenka gayaankood ah.
Qoomiyadan oo uu booqasho ku tegay arday Maraykanka u dhashay oo la yidhaa Vicente Pamparo ayaa sawirro uu ka qaaday noqdeen qaar aad loo daawado.
Qabiilkan oo ku nool daanta galbeed ee webiga la yidhaa Omo waa dad dhaqankoodu aad cajiib u yahay, kuwaasoo inta badan caan ku ah dabaaldegyo ay maalmaha qaar u samaysteen si gaar ah.
“Karo waa dad aad u cajiib ah, habka ay u nool yihiin waa hab inta badan ku salaysan dabaaldegyo iyo munaasibado u gaar ah oo ay lammaanayaashu isku calmadaan. Timahooda waxay ku qasaan midab cas, waanay xiiraan oo ay gaagaabiyaan, haweenku waxay ku labista harag ay ka qarsoon tahay dux xooleed.
Hoggaamiyayaasha qabiilkan wejigooda nuuradan kuma qurxiyaan, gaar ahaan ragga dhallinyarada ah ujeeddooyinka kale ee ay u marsadaan nuuradan waxa ka mid ah in marka khilaaf qabiil jiro ay marsadaan si looga cabsado,” ayuu yidhi ardaygan oo wargeyska Daily Mail u waramay.
Ragga qabiilkan waxay badankoodu sitaan qortyo AK47 u badan, kaasoo ay sheegaan inay muhiim u tahay ilaalinta lo’dooda si aan qabiilada kale uga dhicin, xayawaankuna uga cunin.
Ardaygan waxa uu xusay in qabiilkan yihiin 1,000 qof oo ku nool beeraha iyo kalluumaysiga, cuntada ugu muhiimsan ee ay cunaana tahay arabikhida, qamadida, garawga iyo digirta oo ay beertaan, aadna waxay u dhaqdaan riyaha iyo lo’da.

1 comments: